Guddoomiyaha Guddiga Dib u eegista Dastuurka labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa Markale si kulul uga hadlay weerar dhamaadkii sanadkii hore Gurigiisa ay ku qaadeen Ciidamo ay tababartay dowladda Imaaraadka Carabta.
Xildhibaan Cabdi Qeybdiid ayaa yiri “Weerarkii lagu soo qaaday gurigeyga 30 bishii December 2017 waxaa la rabay in la igu khaarijiyo, Ciidamo laga soo diray Dugsiga Tababarka Jen. Gordon oo uu Imaaraadka maamulo iyo ciidanka Nabadsugida ee Gobolka Banaadir ayaa ka dambeeyay”
Waxaa uu sheegay in saraakiisha soo amartay ciidamadii soo weeraray aan wali waxba laga qaban,waxaana uu sheegay in ay muhiim tahay in labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya in ay arintaasi wax ka qabtaan.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in ay jirto in ay waxyeelo soo gaartay xubno ka tirsan qoyskiisa.
Guddigii loo xilsaaray Weerarkii lagu qaaday gurigiisa ayuu tilmaamay in aysan wali soo saarin wax warbixin ah.














