Ururka Midowga Afrika ayaa si rasmi ah u magacaabay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, islamarkaana ahaa Madaxweynihii hore ee Puntland, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, inuu noqdo Wakiilka Gaarka ah ee Ururka u qaabilsan dalka Koonfurta Suudaan. Magacaabistan ayaa lagu shaaciyay warqad rasmi ah oo uu ku saxiixan yahay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mudane Mahmoud Ali Youssouf.
Warqadda magacaabista ayaa si cad u muujisay in go’aankan uu yahay mid ku saleysan kalsoonida sare ee Ururka Midowga Afrika uu ku qabo khibradda, hoggaaminta iyo xirfadda diblumaasiyadeed ee Dr. Cabdiweli Gaas. Guddoomiyaha ayaa qoraalkiisa ku yiri: “Aniga oo ku hadlaya magaca Guddiga Midowga Afrika iyo magacaygaba, waxaan kuu rajeynayaa guul iyo horumar howlaha cusub ee lagu aaminay, anigoo kuu muujinaya taageeradayda buuxda.”
Dr. Cabdiweli Gaas ayaa leh taariikh dheer oo hoggaamineed iyo waayo-aragnimo diblumaasiyadeed, isagoo u soo shaqeeyay dalka Soomaaliya xilli xasaasi ah. Wuxuu ahaa Ra’iisul Wasaare intii u dhexeysay sanadihii 2011 illaa 2012, halkaas oo uu door muuqda ka ciyaaray dib-u-dhiska hay’adaha dowladda iyo kobcinta xiriirka caalamiga ah. Sidoo kale wuxuu madaxweyne ka noqday dowlad-goboleedka Puntland intii u dhaxeysay 2014 illaa 2019, mudadaas oo uu ku muteystay sumcad hoggaamineed iyo dadaal la taaban karo.
Magacaabistiisa ayaa ku soo beegmaysa xilli dalka Koonfurta Suudaan uu wajahayo xaalad siyaasadeed oo cakiran, iyadoo weli laga shaqeynayo hirgelinta heshiisyadii nabadeed ee lagu saxiixay magaalada Addis Ababa, iyo diyaarinta doorashooyin qaran oo la filayo in ay dalkaasi ka dhacaan sannadka 2025. Dr. Cabdiweli ayaa la filayaa inuu door weyn ka ciyaaro fududeynta wada-hadallada, dhexdhexaadinta dhinacyada isku haya siyaasadda dalkaasi, iyo dhiirrigelinta xasilloonida joogtada ah.
Doorarka Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika waxaa ka mid ah: korjoogteynta fulinta heshiisyada nabadeed, taageeridda laamaha dowladda ee dhismaha dawladnimo, iyo xiriirinta Midowga Afrika iyo daneeyayaasha gudaha iyo kuwa caalamiga ah ee arrimaha Suudaanta Koonfureed.
Waxaa la filayaa in Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu dhowaan si rasmi ah ugu ambabaxo magaalada Juba, si uu halkaas uga bilaabo shaqadiisa cusub oo muhiim u ah dadaallada nabadeed ee gobolka. Qaar ka mid ah diblumaasiyiinta gobolka ayaa soo dhoweeyay magacaabista Dr. Gaas, iyagoo ku tilmaamay mid horseedi karta is-faham qaran iyo xasillooni siyaasadeed.














