U qeybsanaha xafiiska Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ee arrimaha ciidanka difaaca deegaanka (Macawiisleyda), Cali Jeyte Cismaan, ayaa si kulul uga hadlay xaaladda adag ee ka taagan gobolka Hiiraan, xilli uu ka qaybgalayay xaflad soo dhaweyn ah oo loogu sameeyay magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Cali Jeyte, oo todobaadkii hore gaaray Jigjiga, ayaa sheegay in safarkiisu uusan ahayn booqasho madadaalo, balse uu ka yimid deegaan ay ka taagan tahay xaalad dagaal iyo dhiigbax.
Wuxuu hoosta ka xarriiqay kaalinta muhiimka ah ee dadka reer Hiiraan ka qaateen ciribtirka Al-shabaab, isagoo sheegay in hadda loo baahan yahay gurmad walaaltinimo si loo taageero shacabka dhiigbaxa ku jira.
Cali Jeyte ayaa dowlad deegaanka Soomaalida iyo dowladda Itoobiya uga mahadceliyay taageerada ay hore ugu fidiyeen ciidanka Macawiisleyda iyo diyaarinta gurmad cusub, isagoo xusay in taageeradaasi ay tahay mid kaalin muhiim ah ka qaadan karta dagaalka Al-shabaab.
Sagaalkii bishan July, dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa hub iyo saanad ciidan ku wareejisay guddoomiyaha gobolka Hiiraan, iyadoo hubkan loo qoondeeyay ciidamada beesha Xawaadle ee la dagaallamaya Al-shabaab.
Kulammada uu Cali Jeyte ku qabanayo Jigjiga labadii toddobaad ee u dambeeyay ayaa si dhow ula socda shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo indhaha ku haya natiijooyinka kasoo bixi doona wada-hadallada iyo qorshayaasha gurmad ee lagu taageerayo Hiiraan.














