Charles King oo kulamo la qaatey madax ka tirsan dowlada federalka.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku soo dhaweeyay safiirka cusub ee Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Danjire Charles Nicholas King, oo ay weheliyeen saraakiil ka tirsan safaaradda Ingiriiska.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, iyadoo si gaar ah looga hadlay iskaashiga dhanka amniga, tababarada ciidamada, iyo la dagaallanka argagixisada. Wasiir Fiqi iyo Danjire Charles ayaa si qoto dheer uga wada hadlay sidii iskaashigan uu ugaalin ugu noqon lahaa dadaallada dowladda Soomaaliya ee lagu sugayo amniga gudaha, gaar ahaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo kooxda Daacish.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka arrinsaday dardargelinta taageerada hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, kaas oo door weyn ka qaadanaya geeddi-socodka kala guurka amni ee Soomaaliya. Wasiirka Gaashaandhigga ayaa uga mahadceliyay Boqortooyada Ingiriiska kaalinta ay ka qaadanayso tababarada ciidamada, qalabeynta iyo taageerada howlgalka amniga, isagoo xusay in iskaashiga noocan ahi uu muhiim u yahay sugidda xasilloonida dalka.

Sidoo kale guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta kulan is-barasho iyo wadatashi la yeeshay Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Danjire Charles King, iyagoo ka wada hadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan horumarinta caasimadda iyo iskaashiga labada dhinac.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta Muqdisho iyo Dowladda Ingiriiska, iyadoo si gaar ah looga hadlay amniga caasimadda, la-dagaallanka argagixisada, dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha, horumarinta adeegyada bulshada, taageerada dowlad-dhiska iyo qorshaha doorashooyinka golayaasha deegaanka.

Dr. Muungaab ayaa uga mahadceliyay Dowladda Ingiriiska taageerada joogtada ah ee ay siiso dowlad-dhiska Soomaaliya, gaar ahaan mashaariicda hormarineed ee lagu xoojinayo Caasimadda iyo Gobolka Banaadir. Waxa uu tilmaamay in barnaamijyada ay taageeraan ay door weyn ka qaataan kor-u-qaadista adeegyada bulshada, nabadeynta iyo xasillinta Muqdisho.

Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale safiirka siiyay warbixin ku saabsan guulaha laga gaaray sugidda amniga caasimadda iyo la-dagaallanka kooxaha argagixisada, isagoo xusay in dadaalladaasi ay dhidib u aasayaan doorashooyinka heer degmo si bulshada caasimaddu ay fursad xor ah ugu doortaan madaxda matalaysa – arrin uu ku tilmaamay mid kamid ah tiirarka dimuqraadiyadda.

Dr. Muungaab ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay taageero dheeri ah oo la bixiyo si loo hirgeliyo himiladaas siyaasadeed iyo qorshayaasha horumarineed ee gobolka.

Dhankiisa, Danjire Charles King ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir kulanka miro-dhalka ah, isagoo carrabka ku adkeeyay sida ay Dowladda Ingiriiska uga go’an tahay sii wadidda taageerada nabad waarta, horumar joogto ah iyo dhisidda hay’adaha dowliga ah ee Soomaaliya.