Chelsea ayaa markii 8aad caawa mar kale xaqiiqsatay in ay ku guuleysatay Koobka FA Cup-ka, kaddib markii 1-0 ay ku garaacday xiddigaha Manchester United,
Eden Hazard ayaa noqday laacibka guushan u soo hooyay kooxda Chelsea waxaana uu Hazard xili cayaareedkan u noqonayaa markii ugu horeysay oo kooxdan uu kula guuleysto Koobka FA-ga.
Antonio Conte tababaraha kooxda Chelsea ayaa laftirkiisa la oran karaa guushan muhiim ayeey u aheyd oo haddii laga badan lahaa kooxdiisa waxaa hubaal ahaan laheyd in xili cayaareedkan uu masiibo iyo guul-daro weyn la galban lahaa.
May 19, 2007tii ayeey aheyd markii sidan oo kale Chelsea Wembley Manchester United ugu garaacday 1-0 isla finalkii FA Cupka laakii mar kale taariikhda ayaa soo laabtay waxayna Chelsea mar kale 1-0 ku dubatay Manchester United.
Chelsea ayaa guushan ku laab-qaboojisaneysa madaama ay horay uga hartay u soo bixintaankii Champions League,.





















