Ciidamada xoogga gaar ahaan kuwooda gaarka u tababaran ee Danab ayaa howl gal ay ka sameeyeen Jubbada Hoose ay Khasaare u geysteen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Taliyaha Guutada 16-aad Ciidamada Xoogga ku wooda gaarka ah ee Danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay xubno ka tirsan Al-Shabaab ay dileen intii ay ku guda jireen howlgal qorsgeysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Lafaha Ragga oo 60 Km u jira magaalada Kismaayo.
Sidoo kale Ciidamada ayaa Saldhig Ka samaystay deegaanka deegaanka Birta Dheer oo muhiim u ah isu socodka Degmooyin katirsan Gobolka Jubada Hoose.
Saraakiisha ayaa sheegay in ay muhiim u yihiin ilaalinta wadada isku xirta Kismaayo iyo Afmadow oo waayihii dambe weeraro dhabagal ah ay ka geysanayeen Al-Shabaab oo la tilmaamay in halkaas ay in ay deganyihiin.














