Ciidamada Deegaanka ee Daaru-nimco oo Dilay Horjooge Sare oo ka Tirsanaa Al-Shabaab

Ciidamada deegaanka ee ku sugan deegaanka Daaru-nimco ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa saaka waaberigii hore fuliyay howlgal qorsheysan oo amni, kaasoo lagu beegsaday horjooge sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kaas oo muddooyinkii dambe lagu raad-joogay.

Howlgalka oo si gaar ah loo qorsheeyay, lagana fuliyay tuulooyin hoos taga deegaanka Daaru-nimco, ayaa lagu dilay Muxumed Axmed Guure, oo kooxda Al-Shabaab ay u taqaanay Xamse Faracadde.

Sida ay sheegeen saraakiisha deegaanka, Xamse Faracadde wuxuu ahaa horjooge khatar ah oo muddo dheer ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, isagoo door muhiim ah ka ciyaarayay weerarro lagu qaaday dadka rayidka ah iyo ciidamada ammaanka. Waxa uu sidoo kale ahaa taliye u qaabilsanaa kooxda Al-Shabaab gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, halkaas oo uu fuliya hawlgallo iyo weerarro qarsoodi ah.

Intaa waxaa dheer, Xamse Faracadde ayaa horey u soo noqday madaxa qaraxyada kooxda Al-Shabaab ee gobollada Mudug iyo Galgaduud, isagoo si toos ah ugu lug lahaa abaabulka iyo fulinta falal argagixiso oo lagu beegsaday shacabka Soomaaliyeed, kuwaasoo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed oo ballaaran.

Saraakiisha howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay in dilka horjoogahan uu yahay guul muhiim ah oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, iyagoo ballan qaaday in ay sii wadi doonaan howlgallada lagu sifeynayo deegaannadaasi, si dadka shacabka ah loogu sugo amni iyo xasilooni waarta.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabka deegaanka ayaa horay u bogaadiyay doorka ciidamada deegaanka, kuwaasoo si geesinimo leh ula dagaallamaya kooxaha argagixisada ee Al-Shabaab, iyagoo kaashanaya hay’adaha ammaanka ee dowladda.