Ciidamada dadka deegaanka ee ka howlgala gobolka Hiiraan ayaa galabta qaaday weerar qorsheysan oo ka dhan ah dagaalyahannada Al-Shabaab, kuwaas oo lagu helay xog sirdoon ah inay isku uruursanayeen meel u dhexeysa degmada Maxaas iyo deegaanka Wabxo.
Weerarkan oo si xeeladeysan loo fuliyay ayaa sababay in kooxda Al-Shabaab lagu jabiyo halkaasi, iyadoo la gaarsiiyay khasaare culus oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira.
Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa u sheegay Warbaahinta Qaranka in ciidamada deegaanka ay si degdeg ah uga jawaabeen xogta la helay, taas oo muujinaysay in kooxda argagixisada ah ay damacsanaayeen weerarro ka dhan ah shacabka iyo ciidamada deegaanka.
Tallaabada degdega ah ee ay qaadeen ciidamada deegaanka ayaa horseeday in la fashiliyo qorshahii Al-Shabaab, taasoo sare u qaaday kalsoonida bulshada ee ku aaddan ciidanka deegaanka.
Gobolka Hiiraan ayaa bilihii la soo dhaafay ahaa goob dagaal oo ay ciidamada deegaanka iyo kuwa dowladda ku qaadayeen weerarro qorsheysan oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, iyagoo marar badan guulo ka gaaray howlgalladaas.














