Ciidamada Dowlad goboleedka Jubbaland oo dhaq dhaqaaqyo ciidan kawada deegaano duleedka ka ah Magaalada Kismnaayo

Ciidamada Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa waxaa at saakay dhaq dhaqaayo xoogan oo Ciidan ka wadaan deegaano duleedka ka ah Magaalada Kismnaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada ayaa shalay waxaa ay weerar xoogan ku qaadeen deegaanka Yaaq Bishaaro ee duleedka galbeed ee magaalada Kismaayo,halkaas oo saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ay sheegeen inay ku dileen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Wararka saaka laga helayo deegaannadii lagu dagaalamay ayaa waxaa ay sheegayaan in la arkayo Ciidamada Jubbaland oo wata Gaadiidka dagaalka inay wlei howlgallo kale ka wadaan deegaanka Yaaq Bishaaro ee duleedka Kismaayo.

Al-Shabaab dhankooda weli kama hadlin weerarka Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland ay sheegeen inay ku qaadeen deegaanka Yaaq Bishaaro iyo dilka ay sheegeen inay u geyusteen Xubno ka rtirsanaa.