Ciidamada Dowladda iyo Kuwa Deegaanka oo Dib Uga Guuray Maxaas iyo Al-shabaab oo la wareegtey.

Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa xaqiijinaya in dagaallo culus ka dhacay gobolka Hiiraan maanta, kaas oo sabab u noqdey in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda ay isaga baxaan degmada Maxaas, taasoo fursad siisay kooxda Al-Shabaab in ay gudaha u galaan degmadaas muhiimka ah.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo kala duwan, dagaalka oo saaka bilaabmay ayaa markii hore lagu jabiyay Al-Shabaab, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay si geesinimo leh u difaaceen degmada. Hase yeeshee, wararkii dambe ayaa tilmaamaya in kooxda Al-Shabaab ay mar kale ku soo laabteen weerar kale oo qaraxyo lagu furay, taasoo keentay in xaalad cusub abuuranto oo keentay in ciidamada is abaabulaya ay dib uga gurtaan degmada.

Goob-joogayaal iyo saraakiil ka tirsan ciidanka deegaanka ayaa sheegay in dagaalkii maanta uu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac labada dhinac ah. Lama hayo tirakoob rasmi ah oo ku saabsan tirada dhabta ah ee khasaarihii dhacay, balse waxaa la xaqiijiyay in dagaalku uu ahaa mid aad u culus.

Markii ugu dambeysay ee Al-Shabaab ay gudaha u galaan degmada Maxaas waxay ahayd in ka badan 15 sano ka hor, taasoo muujinaysa sida ay u sare u kacday khatarta kooxdaasi ee gobolka Hiiraan.

Ilaa hadda ma jirto war rasmi ah oo kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga ama Maamulka Hirshabeelle oo ku saabsan sababta dib uga gurashada ciidanka iyo tallaabada xigta ee la qorsheynayo. Dadka deegaanka ayaa ka walwalsan xaaladda amni ee Maxaas iyo suurtagalnimada in shacabka ay ku dhaco dhibaatooyin haddii xaaladda degdeg ah aan wax looga qaban.

Waxaa laga sugayaa in dowladda Federaalka Soomaaliya iyo talisyada ciidamada ay si degdeg ah uga falceliyaan xaaladda, si looga hortago in degmadaasi muhiimka ah ay muddo dheer gacanta ugu jirto Al-Shabaab.