Ciidamada xooga Dalka Soomaliyeed gaar ahaan Ciidamada Guutada shanaad qeybta 27aad ee ka Howl galo Gobolka Hiiraan ayaa howlgalo ay kula dagaalamayaan Al-Shabaab ka wada degaanada u dhexeeyo Degmooyinka Matabaan Beledweyne iyo Maxaas ee Gobolkaasi Hiiraan.
Howl Galka ayaa waxa Hogaaminayo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali jeyte Cismaan, Taliyaha Guutada shanaad qeybta 27aad ciidamada Xooga Dalka korneyl maxamuud xasan Ibrahim) Korneyl Baakaay ) & mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Mamaulka Gobolka Hiiraan & Saraakiisha Ciidamada.
Ujeedka howlgalada ayaa saraakiisha hoggaamineysa waxaa ay ku sheegeen xaqiijinta Amaanka degaanada u dhexeeyo Degmooyinkaaasi kuwaasi oo Bilihii la soo dhaafay la sheegay in qaarkood fa dhiisimo ay ka sameysteen Al-Shabaab .
Ciidamada xoogga dalka ayaa dhowr jeer waxaa ay weeraro kala kulmeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab,waxaana dagaalkii ugu dambeeyay oo ay la galeen ay sheegeen inay ku dileen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.














