Ciidanka Nabad-sugidda Qaranka Soomaaliyeed oo garabsanaya ciidamada deegaanka ee deegaanka ku sugan ayaa maanta fuliyay howlgal qorsheysan oo amni ah, kaasoo ka dhacay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku dhuumaaleysanayeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Howlgalka ayaa la sameeyay kadib markii la helay xog sugan oo tilmaamaysay in xubnaha Al-Shabaab ay qorsheynayeen falal amni-darro ah oo lagu waxyeeleynayo shacabka ku nool deegaannada nabadda ah ee horay looga xoreeyay gacantooda. Xogta ayaa muujisay in xubnaha argagixisada ay isku uruursanayeen deegaannada Tuulo Mabaax oo ka tirsan gobolka Hiiraan iyo Tawakal oo dhanka gobolka Shabeellaha Dhexe ka tirsan.
Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka, gaar ahaan kuwa ka tirsan hay’adda Nabad-sugidda Qaranka, ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in howlgalkaasi lagu dilay tiro ka mid ah dagaalyahanada Al-Shabaab, isla markaana la burburiyay fariisimo dhowr ah oo kooxdaasi ay si qarsoodi ah uga samaysteen deegaannadaas.
Sidoo kale, saraakiishu waxay sheegeen in howlgalka uu ahaa mid qorshihiisu si wanaagsan u fulay, ayna sii wadi doonaan daba-galka iyo sifeynta goobaha Al-Shabaab isku uruursanayaan, si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida guud ee gobolka.
Ciidamada Nabad-sugidda iyo kuwa deegaanka ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay dadaalladooda ku aaddan ciribtirka xubnaha Al-Shabaab, iyagoo si joogto ah howlgallo uga fulinaya gobollada bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, meelahaas oo kooxdaasi wali ku leeyihiin firxadyo iyo dhaqdhaqaaqyo qarsoodi ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa marar badan ku celisay in aysan wax tanaasul ah ka geli doonin la dagaallanka kooxaha argagixisada ah ee caqabad ku ah amniga, horumarka, iyo midnimada dalka.














