Ciidamo gaar ah oo la geeyay Goof-gaduud Buuray

Ciidamada Dowladda iyo Ciidamo gaar ah oo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa la geeyay degaanka Goof-gaduud Buuray ee Gobolka Baay.

Ciidamadan oo si aad ah u qalabeysan ayaa Howlgallo amni xaqiijin ah durba waxa ay ka biilaabeen tuulooyinka hoosyimaada degaanka Goof-gaduud Buuray.

Guddoomiyaha degaankaasi Isaaq oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa sheegay inta Howlgalkan ay wadaan Ciidamada in Shabaab lagaga saaray ilaa Saddex degaan oo Shabaab ay ku sugnaayeen.

Guddoomiyaha ayaa Dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed ka dalbaday in la kordhiyo Ciidamada loogu tala galay degaanka, si shacabka ay ugu noolaadaan nabad iyo baraare.

16-kii bishan Dagaalyahano hubeysan oo Shabaab ka tirsan ayaa weerar ku qaaday degaanka Goof-gaduud Buuray, halkaasi oo ay ku dileen Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka.

Degaanka Goof-Gaduud Buuray oo qiyaastii 30-KM u jira Magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Bay ayaa waxaa ku soo noq noqda dagaallada u dhexeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Koonfur Galbeed oo isku dhinac ah iyo kuwa Al-Shabaab.