Ciidamadan oo ku hubeysan hubka nocyadiisa kala duwan ayaa waxaa ay ku sugan yihiin degaano ka tirsan Gobolka Bari,hayeeshee qeyb kamid ah puntand ay ula baxday Gobolka Gardafuu,waxaana ay sheegeen inay ka gadoodeen Maamulka Puntland.
Muuqaalo ay Ciidamada iska soo duubeen, iyaga oo hubeysan ayaa waxaa ay ku sheegeen inay kasoo horjeedaan Ciidamada uu tababaray Imaaraadka ee Badda Puntland ee loo yaqaano PMPF oo Puntland sheegtay in la geynaayo gobolkaas,waxaana ay sheegeen in deegaannadooda ay amni yihiin,isla markaana xilligaan u baahneyn ciidamo.
Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamada ayaa waxaa ay sheegeen in gobolka Gardafuu aan laga helin Al-Shabaab iyo daacish amnigiisana ay iyaga sugteen,waxaana ay ku dhaawaqeen inay ka baxeen Puntland sida ay hadalka u dhigeen.
Ugu dambeyn Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamada ayaa waxaa ay sheegeen in Madaxda Puntland ay faragelin ku hayaan, Odayaasha iyo waxgaradka deegaanka,waxaana ay ugu baaqeen dowladda Feederaalka Soomaaliya inay taageero siiso in kastoo aysan jirin wax gaar ah oo ay ka dalbadeen.
Tallaabadaan ay qaadeen Ciidamo ka tirsan Dowlad goboleedka Puntland weli kama hadlin Madaxda Maamulkaas,sida Madaxweynaha iyo Xubnaha Sare sare,hayeeshee waxaa horay u jirtay in Ciidamo ka goostay Puntland inay ku biireen Soomaaliland.














