Ciidamo Kumaandoos ah Oo u soo Dhamaaday Tababarkii oo Maanta Ladhaariyey

Maanta oo ay khamiis ku beegan tahay ayaa waxaa la dhaariyey Ciidanka Kumaandooska Gor-Gor ee dhawaan Tababar adag ku soo qaatay wadanka Turkiga, ayagoo wacad ku maray in ay si rasmi ah ugudan doonaan Shaqada qaranka, sidoo kalena waxa ay ku dhaarteen in Dantooda gaarka ah ay ka hor marin doonaan Danta Guud.

Mar dhaw ayaa la rajeynayaa in ay si toos ah u howl galaan Ciidankaan kumaandooska ah

Sidoo kale ciidankan ayaa loga fadhiyaa wax qabad latabankaro inay kuso kordhiyaan dalka.