Ciidamo xooga dalka oo looga digey arimo halis ah.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXD), Gen. Odawaa Yuusuf Raagge, ayaa si kulul uga digay in aan la aqbali doonin falal kasta oo ka dhan ah sharciga, anshaxa iyo sharafta ciidamada, isagoo ku nuuxnuuxsaday in ciqaab adag la marin doono askari ama sarkaal kasta oo ku kaca khiyaano qaran ama falal dambiyeed.

Hadalka Taliyaha ayaa yimid kaddib markii maanta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay fulisay xukun dil toogasho ah oo lagu riday labo askari oo ka tirsanaa CXD, kuwaas oo lagu helay dambiga ah inay dileen Abaanduulihii Ururka 83-aad ee Xoogga Dalka, Ex-Dhamme Ceydiid Maxamed Cali. Fulinta xukunka ayaa ka dhacday fagaaraha deegaanka Sabiid iyo Caanoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo goob joog ka ahaayeen saraakiil ciidan, masuuliyiin iyo dadweyne.

Gen. Odawaa ayaa caddeeyay in “aanay jirin cid ka sarreysa sharciga, darajo, xil ama magac ha lahaadee,” isla markaana qof kasta oo ku kaca dil sharci-darro ah, khiyaano qaran ama fal kasta oo wax u dhimaya amniga iyo midnimada dalka lagu hor keeni doono fagaaraha cadaaladda.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidanku uu ku dhisan yahay nidaam, kala dambeyn, iyo ilaalinta sharciyada dalka, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay garab istaagaan ciidamada geesiyaasha ah ee nafahooda u hura difaaca qaranka iyo xasilinta dalka.

Gen. Odawaa ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in fulinta cadaaladda ay tahay fariin cad oo lagu wargelinayo dhammaan xubnaha ciidamada iyo shacabka, taas oo muujinaysa in aan la aqbali doonin dembi ciidan ama mid qaran oo aan laga jawaabin si degdeg ah.