Ciidan iyo shacab ku dhintay shil diyaaradeed

Saraakiisha ammaanka dalka Itoobiya ayaa xaqiijiyay in 18 qof oo isugu jira ciidan iyo shacab ay ku dhinteen diyaarad Millatari oo ku burburtay degaanka Lumee Ejereetti oo ku yaalla duleedka magaalada Addis Ababa.

Diyaaradan ayaa waxaa la sheegay in markeedii hore ay ka soo duushay magaalada Diridhaba, islamarkaana ay ku sii jeeday magaalada Addis Ababa, balse waxa ay ku burburtay Bariga Shoa ee gobolka Oromia.

Shilkan diyaaradeed oo ilaa hadda aanan la ogeyn waxa sababay ayaa dadka ku dhintay 15 ka mid ah waxa ay ahaayeen ciidanka Difaaca Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa waxa ay sheegtay inay wado baaritaanada la xiriira burburka diyaaradda, dibna ka soo sheegi doonto faah faahinta rasmiga ah ee la xiriirta dhacdadan.