Taliyaha ciidanka asluubta ee Soomaaliya ayaa ka warbixiyay sababta keentay inay isku dhacaan qaar kamid ah ciidanka asluubta iyo ilaala la socotay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.
Waxaa uu sheegay in dhacdadaasi ay ahayd mid lama filaan ah oo aysan ku talo gal ahayn.
Taliyaha ayaa intaa ku daray in ciidanka asluubta ay ku khaldameen ciidamada la socday madaxweynihii hore ee dalka oo wadada marayay taas oo uu raali gelin ka bixiyay.
Ma jiraan wax khasaara ah oo ka dhashay rasaasta lagu furay kolonyada.
Kolonyo uu la socday Madaxweynihii hore ayaa lagu rasaaseeyay agagaarka Kawaanka Malayga ee degmada Xamar Weyne, halkaasoo bar koontarool ay ku leeyihiin Ciidanka Asluubta.














