Ciidanka Booliska ee maamulka SSC-Khaatumo ayaa shaaciyay in ay qaadeen tallaabooyin adag oo lagu xaqiijinayo amniga magaalada Laascaanood, halkaas oo uu ka socdo shirweynaha dhameystirka dowlad-goboleedka SSC-Khaatumo. Shirweynahan muhiimka ah ayaa isu keenaya siyaasiyiin, waxgarad, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka, kuwaasoo ka qeyb galaya dhismaha nidaam dowladeed oo rasmi ah oo ka hirgala SSC-Khaatumo.
Qoraal rasmi ah oo ka soo baxay Taliska Booliska SSC-Khaatumo ayaa lagu sheegay in intii ay socdeen howlgallada sugidda amniga, ay gacanta ku dhigeen shaqsiyaad abaabulan oo looga shakisan yahay in ay damacsanaayeen carqaladeyn iyo fowdo ka dhan ah shirka. Shaqsiyaadkaas ayaa si degdeg ah loogu wareejiyay Taliska Qeybta Dambibaarista (CID), halkaas oo baaritaan rasmi ah lagu sameyn doono, si haddii dambiyo lagu helo loo horkeeno maxkamad.
Booliska SSC-Khaatumo ayaa hoosta ka xariiqay in ay ka go’an tahay ilaalinta amniga guud ee magaalada Laascaanood, iyo xaqiijinta in shirweynuhu ku dhamaado si nabdoon, xasilooni leh, oo aan carqalad lagu keeni karin.
“Waxaan bulshada ugu baaqeynaa in ay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada amniga, kana fogaadaan warar aan la hubin oo laga yaabo in ay khalkhal geliyaan dareenka bulshada,” ayaa lagu yiri bayaanka Booliska.
Shirweynaha dhameystirka maamulka SSC-Khaatumo ayaa loo arkaa mid taariikhi ah, maadaama uu gogol xaar u yahay dhismaha hay’ado dowladeed oo metelaya rabitaanka shacabka deegaankaas, iyadoo la filayo in la gaaro natiijooyin miro-dhal ah.















