Ciidanka DANAB & kuwa Jubbaland oo howlgal Wadajir ah sameeyay

Howlgal qorshaysan ayaa siwadajir ah waxaa Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Kumandooska DANAB oo ay wehlinayeen Ciidanka daraawiishta Maamulka jubbaland ka fuliyeen degano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose.

Howlgalka aya Ciidamada waxaa ay sigaar ah uga fuliyeen degaannada hiloshiid, janay Cabdale, kubokibir,iyo canjeel., halkaas oo la sheegay inay mararka qaar tegi jireen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.

Saraakiisha Ciidamada DANAB ayaa waxaa ay sheegeen in degaannada howlgalka laga sameeyay ay Al-Shabaab Shacabka ku dhibaateyn jireen, isa markaana Ciidamada ay howlgalka ku dileen Saddex Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in Ciidamada DANAB ay gurmad u sameeyeen dadka Shacabka ah e ku sugan degaannada howlgallada laga sameeyay, kuwaas oo dhibaatooyin dhanka nolosha ah ay heysteen.

Ciidanka Kumaandooska DANAB iyo kuwa Jubbaland ayaa inta badan waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyaan degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose, waxana ujeedkooda uu yahay xaqiijinta amniga degaannada Gobolkaas.