Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha Hiiraan oo Guul Ka Gaadhay Weerar Ka Dhan ah Al-shabaab Deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo ay garab siinayaan geesiyaasha dadka deegaanka gobolka Hiiraan ayaa saakay weerar qorsheysan ku qaaday Al-shabaab ee ku sugnaa deegaanka Gumarre, oo hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.

Howlgalka oo si taxaddar leh loo fuliyay sida ay dowlada sheegtey ayaa sababay in Al-shabaab laga jebiyo deegaankaasi, lagana saaro gebi ahaanba. Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalka ayaa u xaqiijiyay Warbaahinta Qaranka in Al-shabaab firxadkooda loo raacay dhanka deegaanka Ceel-qooxle, halkaas oo lagu wado in laga sii saaro ama lagala wareego.

Wararka laga helayo goobaha dagaalka ayaa sheegaya in meydad badan oo ka tirsan Al-shabaab ay daadsan yihiin halkaas, taas oo muujinaysa baaxadda khasaaraha ay gaareen kooxda weerarka lagu qaaday.

Howlgalka ayaa weli socda, waxaana la filayaa in la gaaro guulo dheeraad ah. Wararka la xiriira wixii kasoo kordha xaaladda, kala soco halkan.