Ciidanka XDS Oo Sheegay In Ay Dileen Xubno Ka Tirsan Al-Shabaab

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen tuulooyin hoostaga deegaanka Bariire ee gobolka Shabellada hoose waxa ay ku soo qabteen qaraxyo,waxaana Saraakiisha Ciidanka horkacaya ay sheegeen in ay Al-shabaab ay ku diyaariyeen qaraxyadaasi duleedka bariire.

Taliyaha ururka 143 ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Dhamme Axmed Xasan Siyaad ayaa sheegay in howlgallo ay saacadihii lasoo dhaafay ay ciidamada xoogga ka wadeen lagu soo qabtay qaraxyo.