Ciidanka Xooga Dalka oo deegano kala wareegey Al-shabaab.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ayaa maanta howlgallo qorsheysan oo barakaysan ka fuliyay degmada Masaajid Cali Guduud iyo deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay kaga saareen maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab.

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Abuukar Macallin, ayaa sheegay in howlgalkaasi oo loogu magac daray “Duufaanta Aamusan” lagu burburiyay xarumo ay khawaarijtu ku dhuumaalaysanayeen, isla markaana ciidamadu ay si guul leh u fuliyeen howlgalladaasi iyada oo aan wax khasaare ah laga soo sheegin dhankooda.

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in ciidanku haatan ku howlan yihiin miino baaris si loo xaqiijiyo nabadgelyada deegaanka, isla markaana la tirtirayo khatar kasta oo ay Khawaarijtu kaga tageen goobaha laga saaray. Waxaa sidoo kale uu tilmaamay in ciidamada ay wadaan raaf iyo daba-gal ay ku beegsanayaan firxadka ka haray kooxda Khawaarijta ee howlgalka ka badbaaday.

Howlgalladan ayaa qayb ka ah wejiga labaad ee dagaalka ballaaran ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed ay kula jiraan kooxda Khawaarijta, iyadoo la doonayo in si buuxda looga xoreeyo dhulka Soomaaliyeed gacanta argagixisada.

Afhayeenka ayaa ugu dambeyn ku bogaadiyay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka doorkooda geesinimada leh, isagoo shacabka ugu baaqay in ay sii xoojiyaan garab istaagga iyo xog-bixinta ay siiyaan ciidamada si loo dhameystiro dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta.