Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday in ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya kuwa Midowga Afrika ee hawlgalka ATMIS (Uganda), ay si buuxda ula wareegeen degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose, kadib hawlgal qorshaysan oo lagu xoreeyay magaaladaasi.
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga, Sheekh Abuukar Maxamed, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ay gacanta ku hayaan degmada, islamarkaana ay hadda wadaan howlgal amni-sugid ah oo ballaaran.
Degmada Awdheegle ayaa ka mid ah degmooyinka istaraatiijiga ah ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana hawlgalkan uu qeyb ka yahay howlgallada “Duufaanta Aamusan” ee lagu bartilmaameedsanayo goobaha ay weli ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab.
Ciidamada isgarabsanaya ayaa horey u xoreeyay deegaanno dhowr ah oo hoos taga Awdheegle, taas oo sahashay in maanta si toos ah gudaha magaalada loo galo. Wararka ka imanaya halkaasi ayaa sheegaya in ciidamada ay haatan ku hawlan yihiin baarista iyo nadiifinta miinooyinka, maadaama Al-Shabaab ay gudaha magaalada ka qoteen godad waaweyn oo ay u adeegsadeen difaac iyo qaraxyo.
Saraakiil ka tirsan Xoogga Dalka ayaa tilmaamay in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay isku dayeen in shacabka magaalada ka hor istaagaan inay baxsadaan, hase yeeshee ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ay si taxaddar leh u fuliyeen hawlgalkooda, iyagoo mudnaanta siinaya badbaadada dadka rayidka ah.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa caddeysay in hawlgallada xoreynta gobolka Shabeellaha Hoose ay sii socon doonaan ilaa dhammaan deegaannada ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab laga xoreeyo, si loo xaqiijiyo nabadgelyada iyo xasiloonida gobolka.














