Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waaberigii hore ee saakay jab xooggan ugu geystay ururka Al-Shabaab, kuwaas oo isku dayay inay weerar kusoo qaadaan deegaanka Burjeed oo ku yaalla duleedka bari ee magaalada Baydhabo, xarunta gobolka Baay iyo caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.
Weerarkan oo dhacay xilli hore oo subaxnimo ah, ayaa la sheegay in xogtiisa laga warqabay, taasoo keentay in Ciidammada Xoogga Dalka si buuxda isugu diyaariyaan difaaca deegaanka. Sida ay warbaahinta Qaranka u xaqiijiyeen saraakiisha howlgalka hoggaaminayay, ciidammadu waxay si geesinimo leh ugu hortageen weerarkii Al-shabaab, iyaga oo u geystay khasaare culus.
Inta badan xubnaha Al-shabaab ee weerarka soo qaaday ayaa lagu dilay goobta, halka kuwa firxadayna ay hadda ku jiraan baacsiga ciidammada, kuwaasoo goobo badan ka wada howlgal. Saraakiishu waxay sheegeen in qorshahan uu qayb ka yahay difaaca joogtada ah ee deegaanka iyo ciribtirka Al-shabaab.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa mar kale ku celiyay in Al-shabaab aysan marna fursad u heli doonin inay dhibaato ka geystaan deegaannada Koonfur Galbeed, isla markaana howlgalka maanta uu muujinayo sida ciidamada Qaranku uga go’an tahay in la sugo amniga shacabka Soomaaliyeed.














