”Cismaan Injineer” oo Xalay Lagu Dilay Magaaladda Muqdisho

Sarkaal ka Tirsanaa Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay lagu dilay Magaaladda Muqdisho.

Falkaan ayaa ka dhacay mid kamid Kontorooladda Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Iska hor imaad u dhaxeeyay Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ku dhintay sarkaalka oo magaciisa lagu sheegay Cismaan Xasan (Cismaan Injineer),kaasi oo xiliga la dilayay watay gaari Surf ah.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Taliyaha Saldhiga Booliska ee Degmada Yaaqshiid, Faarax Cadaani uu amar ku bixiyay in la bartilmaameedsado gaarigaasi, haddii lagu arko kontoroolada Degmada Yaaqshiid.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in Taliyaha Saldhiga Booliska ee Degmada Yaaqshiid, Faarax Cadaani uu ka carooday lacago uu ka heli jirey qaad si qarsoodiya lagu soo geliyo Degmadda.

Ilaa haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay hay’adaha amaanka Dowladda Soomaaliya oo looga hadlaayo dilka sarkaalka Dowladda ka Tirsanaa.