Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa baaq nabadeed u diray dhinacyada maanta ku dagaallamay degmada Caabudwaaq ee Waqooyiga gobolka Galgaduud, isaga oo si adag u cambaareeyay colaaddaas dhiigga ku daatay.
Wasiirka ayaa sheegay in loo baahan yahay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka, islamarkaana lagula xisaabtami doono cid walba oo sabab u noqotay hurinta colaadda. “Ciddii gacan ka gaysatay dhiig daadinta waa lala xisaabtami doonaa, sharcigana waa la horgeyn doonaa,” ayuu yiri Wasiir Fartaag.
Wasiirka ayaa sidoo kale fariin gaar ah u diray culimada, odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka degmada Caabudwaaq, isaga oo ugu baaqay inay si degdeg ah ugu istaagaan xal u helidda collaadda, dhexdana u xirtan sidii loo qaboojin lahaa xiisadda.
“Waa waajib diini ah, qaranimo iyo dadnimo in la joojiyo dhiigga daadanaya. Waxaan cod dheer ugu dirayaa bulshada deegaanka in ay u istaagaan nabadda,” ayuu raaciyay hadalkiisa Wasiir Fartaag.
Sidoo kale, Wasiirka Amniga Gudaha ayaa faray hay’adaha amniga ee gobolka Galgaduud iyo maamulka Galmudug in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan dejinta xaaladda, kana hortagaan sii daba dheeraanshaha colaadahan.
Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa Alle uga baryay in uu isu soo jiido qalbiyada dadka Soomaaliyeed, dalkana ku manaysto nabad waarta iyo barwaaqo. Dagaalka Caabudwaaq ayaa dhaliyay cabsi iyo kacsanaan xoogan, iyadoo shacabka deegaanka ay dalbanayaan in la helo xal waara iyo garsoor caddaalad ku dhisan.














