Masar waxay xaqiijisay kiiskeedii ugu horreeyay ee cudurka ‘coronavirus’ dilaaga ah kaasoo ka dilaacay bartamaha Shiinaha dhammaadkii sanadkii hore isla markaana tan iyo markaas ku faafay in ka badan laba iyo toban waddan oo adduunka ah.
Afhayeenka wasaarada caafimaadka Masar Khaled Mugahed ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in qofka laga helay Cudurka uu yahay “nin ajnabi ah” oo aan muujin wax astaamo halis ah.
Bayaanka wasaarada ayaa lagu sheegay in qofkaasi la dhigay isbitaal isla markaana uu kujiray. Ma aysan cayimin qofka dhalashadiisa ama halka uu ka soo galay.
Dhanka kale Beijing ayaa waxa ay amartay in qofkasta ee ku soo laabanaya caasimadda uu is karantiilo muddo 14-maalmood ah amaba uu wajihi doono ciqaab, arrintan oo ah tallaabadii ugu dambaysay ee lagu xakamaynayo caabuqa cusub ee dilaaga ah ee coronavirus, warbaahinta dowladda ayaa sidaas ku warrantay.
Dadka deegaanka ayaa waxaa loo sheegay “inay is karantiilaan ama ay tagaan xarumo dadka lagu karantiilo” marka ay dib ugu soo laabtaan caasimadda Shiinaha fasaxa kaddib.
Tallaabadan ayaa timid kaddib markii ay Masar xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee coronavirus ah ee lagu arko qaaradda Afrika.
In ka badan 1,500 oo qof ayaa u dhimatay caabuqaasi, kaas oo ka soo bilowday magaalada Wuhan.
Facebook Twitter Pinterest Telegram
Previous article
Waa sidee Nolosha dadka Muqdisho xilliga habeenkii Xirnaanshaha Wadooyinka ma saameeyey?
Next article
Wararkii ugu dambeeyay dooxada Ooda-Gooye oo maalintii labaad gubaneysa
RELATED ARTICLESMORE FROM AUTHOR
Kalluumeysato ku dhintay dabeylo ku dhuftay xeebaha Muqdisho
Maxkamad ku taalla Garowe oo Xukun ku riday nin kufsi geystay
Mareykanka iyo Taliban oo gaaray heshiis xabbad-joojin ah
Wararkii ugu dambeeyay Banaabax ka dhan ahaa Madaxweyne Qoor Qoor oo baaqday
Kheyre oo qaabilay Wafdi ka socda QM
Gudoomiye Filish oo ku baaqay bixinta Canshuuraha xilli Wadooyinka Muqdisho xiran yihiin
RUKUMO RADIO RISAALA
56,040FansLIKE
3,809FollowersFOLLOW
3,290SubscribersSUBSCRIBE
DEGSO APP-KA RADIO RISAALA
DHAGEYSO WARARKA RADIO RISAALA
DHAGEYSO: Warka Duhur 15-2-2020
February 15, 2020
DHAGEYSO: Warka Subax 15-2-2020
February 15, 2020
DHAGEYSO:-Warka Habeen ee Radio Risaala 14-2-2020
February 14, 2020
DHAGEYSO: Warka Duhur ee Radio Risaala 14-02-2020
February 14, 2020














