Cumar Filish Oo War Kasoo Saaray Go’aanka Uu Farmaajo Uu Ku Saxiixay 13-Ka Senator

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka hadlay 13-ka ee Gobolka Banaadir uu ku yeelanayo Golaha Aqalka sare.

Cumar Filish oo shir jaraa’id ku qabtay Magalada Muqdisho ayaa soo dhoweeyey go’aanka uu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku saxiixay in Gobolka Banaadir Aqalka sare ku yeesho 13 Senitor.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa shacabka ka codsaday in aan laga hor imaan go’aanka Madaxweynaha Soomaliya ku saxiixay in Gobolka Banaadir uu Aqalka sare ku yeesho 13 Xildhibaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay qaraarkii Golaha Shacabka JFS ay usoo gudbiyeen ee ku aaddanaa Matalaadda uu Gobolka Banaadir ku yeelanayo Golaha Aqalka Sare.