Kusimaha Madaxweynaha Ahna Gudoomiyaha Baarlamanka KGS oo Tababar Usoo xirey Cutubyo ka tirsan Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed .
Waxaa maanta xerada Tababarada Dowlada UK ee Magaalada Baydhabo tababar loogu soo xirey ururka 47-aad Qeybta 60aad ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed
Waxaana munaasanbada xiritaanka tababarka ka qeyb galay mas’uuliyiin uu ugu horeeyo ku simaha Madaxweynaha DGKGS ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka KGS Dr Cali Siciid Faqi, Wasiirka Amniga KGS ,Isxaaq Cali Subug ,Taliyaha qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Janaraal Maxamed Shiikh Cabdullahi ( ciirow ) Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada KGS Cabdullahi Cali Watiin, Taliyaha howlgelinya ciidamada qeybta 60-aad Gaashanle dhexe xasan ibraahim yarow, Taliyaha tababarada qeybta Gaashaanle cali nuur Maxamed idiris Cali, Taliyaha guudatada 8-aad qeybta 60-aad Gashaanle Maxamed Nuur mad dheere, iyo Mas’uuliyiin kale.
inta ay munaasabada socotey waxay ciidamadu goobta ku soo bandhigeen gaardi ka ciyaar, iyo dhoololtus malitary.
waxaana qaar kood maanta la gudoonsiiyey bilado ay ku kala guuleysteen dhinacyada shiishka Aqlaaqda, miino aasida iyo habka loo tuuro qoryaha hoobiyaha.
Taliyaha qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Janaraal Maxamed Shiikh Cabdullahi ( ciirow ) oo ka hadlay xiritaanka munaasabada ayaa ku dheeraadey dardaaran dheer oo uu u jeediyey ciidamada tababarka loo soo xirayey.
Wuxuuna ku dhiirageliyey iney u istaagaan Difaaca dadka iyo dalka iyo cirib tirka kooxaha Nabaddiidka ee baneystey dhiiga Wallaalahooda.
Dr Cali Siciid Faqi ku-simaha Madaxweynaha KGS ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka KGS ayaa mahadcelin balaaran u jeediyey saraakiisha ciidamada UK ee had iyo jeer tababara ciidamada qeybta 60-aad iyo macalimiinta dugsiga tababarka ee Magaalada Baydhabo.
Dhor kii bilood ee la soo dhaafey ururkaan 47-aad ee qeybta 60-aad waxaa u socdey tababar ciidan oo dhan walba leh, waxaana ciidamadaan loo Tababarey dhinacyada shiishka, miino barista , Miino’aasida, hagida iyo tuurida hoobiyaha iyo sidoo kale casharada kale ee ciidan.


























