Ciidamada Kumandooska Soomaaliyeed ee DANAB ayaa markale waxaa ay howlgallo qorsheysan ka sameeyeen degaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Howlgalka ayaa Ciidanka DANAB gaar ahaan Ururka 7aad waxaa ay ka sameeyeen tuulooyinka Gaaleef, War Ciise, Wararaxley, Leba Buraale, Aqab-duco, Galgoof iyo meelo kale oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Ku-simaha Taliyaha guutada 16-aad ee Kumaandoosk Danab Dhamme Xasan Maxamed Cismaan (Xasan Tuure) oo howlgalka hoggaminayo ayaa sheegay in Ciidamada ay dhamaan la wareegeen tuulooyinka ay howlgalka ka sameeyeen, isla markaana ay burburiyeen fariisimihii ay halkaasi ku lahaayeen Al-Shabaab.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in howlgalka ay Ciidamada qasaaro xoogan ku garsiiyeen Al-Shabaab, iyada oo degaannada ay Ciidamada la wareegeen ay ahaayeen kuwo ay weerarada kasoo abaabuli jireen Al-Shabaab, sidoo kalena ay Ciidamada dileen Nin Miino ku Aasayay wadada.
Howlgalka Ciidamada Kumaandooska Soomaaliyeed ee DANAB ka sameeyeen degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa uu daba socdaa xilli saacadihii la soo dhaafay howlgallo kale ay ka sameeyeen degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.














