Ciidanka Kumaandooska Xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB ayaa howlgallo qorsheysan oo amniga lagu xaqiijinayay waxaa au ka sameeyeen degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed.
Ciidamada ayaa sigaar ah howlgalka uga fuliyay degaannada Tawakal, Daaru Salaam, Shaam Garre iyo degaano kale oo hoostaga degmada Awdheegle, halkaas oo mararka qaar lagu arko Xibno ka tirsan Al-Shabaab.
Saraakiisha Ciidanka DANAB ee howlgalka horkaceysay ayaa sheegay in howlgalka ku burburiyeen Saldhigyo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab, isla markaana lacago uga qaadi jireen.
Sidoo kale saraakiisha waxaa ay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab ilaa laga saarayo degaannada oyo degmooyinka ay weli kaga sugan yihiin Gobolka Shabeellaha Hoose.
Ciidanka Kumaandooska Soomaaliyeed ee DANAB ayaa dhowr jeer waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen degaano iyo degmooyin ka torsan labada Shabeelle iyo Jubbada Hoose, iyaga oo mararka qaar dagaal la gala Xubno ka tirsan Al-Shabaab.














