CXD Ee Gorgor oo howlgal ka sameeyay Shabeellaha Hoose

Ciidanka Kumaandooska Gor-Gor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal amniga lagu xaqiijinayay kaa sameeyay degaannada Buushka Muuri idimow iyo Cabow dibile ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiisha Ciidamads Ururka 7-Aad Ee Gor-Gor ayaa sheegay in howlgalka uu qeyb ka yahay howlgallada dalka looga saarayo Ururka Al-Shabaab

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in howlgallada ay noqon doonaan kuwa sii socda ilaa Al-Shabaab laga saarayo degaannada Gobolka Shabeellaha Hoose.