Daraawiishta Maamulka Galmudug ay saaka la wareegay degaanka Bacaadweyne iyo degaano kale oo ka tirsan Koonfurta Gobolka Mudug.
Ciidamada oo ka yimid dhinaca degaanka Wisil ee isla Gobolka udug ayaa Howlgal wadajir ah oo ay sameeyeen kula wareegeen degaannada Bacaadweyne iyo Qeycad 25 km Galbeedka kaga beegan Magaalada Wisil.
War kasoo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa waxaa lagu xaiijinyay in Ciidamada ay si buuxda ula wareegeen gacanta ku heynta degaannada Bacaadweyne, Sabeena gawrac iyo deegaano kale.
Sidoo kale Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa sheegtay inay sii socon doonaan howlgallada ka dhan ah Al-Shabaab ilaa laga saarayo degaannada kale oo ay kaga sugan yihiin Koonfurta Gobolka Mudug.
17-kii Bishii Apriil ee sanadkan ayya Al-Shabaab la wareegeen degaanka Bacaadweyne kadib dagaalo soo laab laab tay oo halkaasi ka dhacay, balse markale Ciidamada dowladda ay la wareegeen.














