Ciidamada dowladda Soomaaliya Soomaaliya noocyadooda kala duwan sida, Millateriga, Booliska iyo Nabadsugida ayaa saacadihiia soo dhaafay howlgallo qorsheysan ka fuliyay degaano hoostaga degmada Garahaareeya ee Xsru ta Gobolka Gedo.
Intii uu howlgalka socday ayaa goobaha qaar waxaa Ciidamada dowladda ay dagaal adag kula galeen xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab, kaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Taliyaha Guutada 10aad Qeybta 43aad ee Ciidanka xoogga dalka Gashaanle Sare Warfaa Sheekh Aadan Faroole ayaa sheegay in howlgalka ujeedkiisa uu ahaa sugida Amniga doorashada, isla markaana ay ka fuliyeen tuulooyinka, Tuulo Barwaaqo, Kabis, Maykaa-reebe iyo degaano kale.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in davaal xoogan ay la galeen Ururka Al-Shabaab ay ku gaarsiiyeen khasaaro xoogan, sidoo kalena ay kala wareegeen tuulooyin dhowr ah.
Degmada Garbahaareey ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay kamid tahay Goobaha ay ka dhacayaan doorashada Golaha Shacabka, waxaana maalmihii la soo dhaafay aad loo adkeeyay.














