Ciidamada xoogga dalka iyo daraawiishta Galmudug ayaa saaka gaaray deegaanada Miliqo, dabagalo,Cell cabdi iyo kuwa kale kuwaas oo hoostaga degmada Xaradheere ee gobolka Mudug.
Saraakiisha ciidanka hogaamineysa ayaa u sheegay Warbaahinta dowladda in ciidanku ku sii jeedo Xaradheere oo ay gacanta ku hayaan dagaalyahano ka tirsan Uurka Al-Shabaab.
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee xoogga dalka Janrraal Biixi oo howlgalka horkacayo ayaa kormeeray xaafadaha degaannada ay Ciifamada kala wareegeen Al-Shabaab.
Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ayaa waxaa ay weli howlgallo kala duwan ka wadaan degaano hoostaga degmada Xarardheere oo talis weyn u ah Al-Shabaab.
Taliye Biixi ayaa Maalin ka hor sheegay in Ciidanka xoogga dalka ay ka go’an tahay sidii Al-Shabaab loiga saari lahaa guud ahaan degaannada iyo degmooyinka Gobolka Mudug.














