Daacish oo lagala wareegey saldhig aad muhiim ugu ahaa.

Ciidanka Difaaca Puntland ayaa gacanta ku dhigay saldhiggii ugu weynaa ee maleeshiyaadka Daacish ay ku lahaayeen aagga Miraale ee gobolka Bari, taasoo noqotay guul istiraatiiji ah oo dhinaca amniga ah.

War rasmi ah oo ka soo baxay Taliska Howlgalka Argagixisada Puntland ayaa lagu sheegay in ciidamada ay dhowr jiho uga fureen weerar Ceelka biyaha — goob si weyn u difaacanayd oo ahayd xaruntii ugu weynayd ee taliska Daacish tan iyo intii ay ku sugnaayeen deegaankaas muddo ka badan 10 sano.

Qoraalka ayaa lagu xusay: “Waa kamid ah guulihii ugu waaweynaa ee Puntland gaarto; xaqiijinta in si buuxda gacanta loogu dhigay taliskii u dambeeyey ee rasmi ahaa ee argagixisada Daacish. Waxaa la aaminsan yahay in hadda maleeshiyaadkii firxadeen dhinaca Togga Baalade’e.”

Miraale, oo ku taalla Buuraleyda Calmiskaad, waa mid kamid ah togagga ugu dadka iyo deegaanka badan gobolka, waxaana ay kooxaha argagixisada muddo dheer ka dhigeen xarumo ay ka soo abaabulaan weerarada iyo dhaq-dhaqaaqyada kale. Waxaa xusid mudan in hawlgallo hore looga sameeyay deegaanka Togga Jeceel iyo Ina Caadoole oo iyaguna horey loogu sifeyn jiray goobaha Daacish ku dhuumaaleysan jiray.

Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in ciidamada Puntland ay weli ka wadaan howlgal amni xaqiijin ah gudaha Miraale iyo meelihii kale ee dhowaan laga saaray Daacish. Waxaa la filayaa in la sameeyo baaritaano iyo nadiifin buuxda si looga hortago in kooxdaasi dib ugu soo laabato.

Guushan waxa ay calaamad u tahay dedaalka joogtada ah ee Puntland ku bixinayso sugidda amniga gobolka iyo baabi’inta kooxaha xagjirka ah ee khatar ku ah nabadda iyo horumarka deegaanka.