Alle ha u naxariistee Gen. Axmed Cabdi Cali Qalyare, oo ahaa Taliyihii Guutada 2aad ee Ciidanka Difaaca Puntland, ayaa si naxdin leh ugu geeriyooday qarax miino oo ay dhigeen kooxda argagixisada ah ee Daacish. Qaraxaas ayaa si gaar ah loogu beegsaday kolonyo gaadiid ah oo uu la socday, xilli ay marayeen deegaanka Dhasaan oo ku yaalla buuraleyda Calmiskaad, gobolka Bari.
Qaraxan fuleynimada leh ayaa sidoo kale sababay dhimashada Maxamed Hiiteeye, oo ka tirsanaa ciidanka uu hoggaaminayay Gen. Qalyare. Waxaa sidoo kale dhaawacyo kala duwan kasoo gaaray saraakiil iyo askar kale oo qeyb ka ahaa ciidamadii la socday.
Gen. Qalyare, oo bishii July ee sanadkan dib ugu soo laabtay dalka kaddib safar caafimaad oo uu dibadda ku tegay, waxa uu si toos ah dib ugu laabtay safka hore ee dagaalka adag ee lagula jiro maleeshiyaadka kooxda Daacish, kuwaas oo ku dhuumaaleysanaya buuraleyda gobolka Bari. Geesinimadiisa iyo hoggaamintiisa ayaa ka dhigtay halyey si gaar ah loogu majeerto ciidamada Puntland.
Madaxda sare ee Puntland, siyaasiyiin, iyo xildhibaano katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si wadajir ah uga tacsiyeeyay geerida marxuumka, iyaga oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskiisa, ciidamada qalabka sida, iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Puntland, Cabdi Faarax Juxa, ayaa sheegay in Gen. Qalyare uu ahaa shahiid ku dhintay isagoo difaacaya dalkiisa iyo dadkiisa, isagoo ku sifeeyay sarkaal geesi ah oo kaalmo weyn ku lahaa dagaalka lagula jiro argagixisada.
Sidoo kale, Madaxweynaha Dawladda Waqooyi Bari ee Puntland, Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali, ayaa tacsi diray, isagoo tilmaamay in Gen. Qalyare uu ahaa halyey naf-hur u ah dalkiisa, oo lagu xasuusan doono waddaniyad, daacadnimo iyo doorkii muhiimka ahaa ee uu ku lahaa dagaalladii lagu xoreeyay dhulka shacabka Waqooyi Bari.
Masuuliyiin hore, siyaasiyiin iyo hoggaan kala duwan oo uu ka mid yahay Xasan Shire Abgaal, ayaa si qiiro leh uga hadlay geerida Gen. Qalyare, iyagoo ku tilmaamay in uu ahaa geesi qaran oo aan la ilaawi doonin, qof door muhiim ah ka qaatay difaaca Puntland iyo guud ahaan midnimada Soomaaliya.
Gen. Axmed Cabdi Cali Qalyare wuxuu door weyn ka qaatay dib-u-dhiska iyo horumarinta ciidanka Puntland, isagoo sidoo kale horey uga soo shaqeeyay Dowladdii Dhexe ee Soomaaliya, halkaas oo uu ka noqday Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ee gobolka Awdal.














