Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxa si heer sare ah waxaa u soo dhaweeyay Shacabka ku nool degmada waxana la arkaayay ayagoo soo buux daafiyay garoonka diyaaradaha Xudur iyaga oo safaf dhadheer ugu jirey soo dhaweynta Madaxweynaha Koonfurgalbeed iyo wafdigiisa.
Safarka wuxuu la xiriira furitaan mashaaric u badan dhismoyin la hirgaliyay intii la doortay Madaxweyne Laftagaren. Waxayna kala yihiin:
1. Dhismaha xaruuntii Gobolka Bakool oo loo yaqaano guriga martida.
2. Dhismaha garoonka kubata cagta ee magaalada xudur oo hada howsheeda la rabo in la galo.
Wuxuu kaloo Madaxweynaha soo indha indhayn doona xaalda guud ee degmada iyo tan gobolka Bakool oo hada ka hor socdaal safar ku tagay.
Maamulkan ayaa ahmiyad gaar ah siiyay wax ka qabashada arimaha Bakool oo sanadii danbe go’doon ku jiray
Madaxweyne Laftagareen ayaaa kadib markii uu gaarey Degmada Xudur kadib Warbaahinta uga warbixiyey Safiirkiisa Xudur iyo Waxyaabaha Muhiimadda ah ee uu halkaasi u gaarey.
HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA














