DAAWO:-Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Xariga Uga jarey Baydhabo Mashaariicyo kala duwan

Madaxweynaha dowlada Koonfur galbeed mudane C/casiis Laftagareen oo ka duulaya balanqaadyadiisii hore ayaa waxa uu maanta xariga ka jaray laba mashruuc oo waxtar u leh guud ahaan reer Koonfur galbeed, gaar ahaan dadyowga magaalada Baydhaba oo hada maamulka u ah caasimad KMG ah.

Mashruuca koobaad ee uu madaxweynaha xariga ka jaray ayaa ah isbitaalka cusub ee degmada Baydhaba ayada oo uu isbitaalkaasi ku khalabeysanyahay agab casri ah.
Isbitaalka uu madaxweyne C/casiis Laftagareen maanta xariga ka jaray ayaa waxa uu wax weyn ka tari doonaa baahiyaha caafimaad ee gonolada Koonfur galbeed iyo dwegaanada ku xeeran.

Sidoo kale madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa isla maanta xariga ka jaray xarunta waaxda dhul bixinta degmada Baydhaba oo si casri ah loo dhisay taasoo laga dhisay qayb ka mid ah dhismooyinka uu maamulka degmada Baydhaba ku hawlgalo.

Waaxdaan ayaa loogu adeegi doonaa dadka reer Koonfur galbeed waxa ayna wax weyn ka tari doontaa wax ka qabashada is qab qabsiga xaga dhulalka oo mudooyinkii dambe kusoo badanayay guud ahaan geyiga Soomaaliyeed gaar ahaan deegaanada Koonfur galbeed.

Iskusoo wada duube madaxweyne Laftagareen ayaa mudada kooban ee uu xafiiska joogo ku qabtay hawlo badan oo waxtar u leh reer Koonfur galbeed.