Daawo;-Madaxweyne Farmaajo Oo Saxiixey sharciga doorashooyinka dalka

Madaxweynaha DF Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa isagoo khudbad ka jeedinaya xiritaanka kalfadhigii 6aad ee Baarlamaanka Dalka ayaa waxaa uu dadka hortooda ku saxiixay waraaqo uu Madaxweynuhu sheegay in ay ku qoranyihiin sharciga doorashooyinka dalka.

“Siyaasiyiintu ha iimaansadeen shacabkooda. Awoodda shacabkaa gacantoodaa lagu celiyey, dalkuna doorasho ayuu aadayaa,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Sharciga doorashooyinka heer federaal ee uu saxiixay Madaxweyne Farmaajo ayaa ka soo bilowday magaalada baydhabo kadib markii shir halkaas ka dhacay bidhii Juun ee sanadkii 2018, ay madaxda qaranku ku heshiiyeen in nooca doorashada 2020/2021 dalka ka dhacaysa ay noqoto doorasho qof iyo cod ah.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Xasan Cali Khayre ayaa waxa uu masuuliyiintii iyo martidii ka soo qaybgashay uu ka hor akhriyay Sharciga Doorashooyinka Qaranka, ee uu Madaxweynuhu saxiixay.

Tani ayaa waxay timid, ka dib markii Guddiga Doorashooyinka Qaranka ay maalintii Talaadada, Madaxweyne Farmaajo ka codsadeen inuu saxiixo Sharciga Doorashooyinka Qaranka.

Sharcigan ayaa waxaa horey u soo ansixiyay Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliya, ka dib markii ay siyaabooyin kala duwan u yeesheen kulamo ay kaga doodayeen, sidii loo meelmarin lahaa sharcigaasi.

Ra,iisal wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Gudoomiyaha Golaha Shacabka,Gudoomiyaha Aqalka sare iyo Ra,iisal wasaare kuxigeenka Dalka Guud ahaan Madaxda ugu Sarreysa ee Dalka ayaa Garab taagnaa Madaxweyne Farmaajo Markii uu uu Saxiixayey Sharciga Doorashooyinka Dalka,

Guud ahaan Madaxda ugu sarreeysa ee Dalka ayaa Xalay waxaa ay si wadajir ah ay uga wada qeybgaleen Xiritaanka Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka oo horey u soo Ansixiyey Sharciga Doorashooyinka Dalka.