DAAWO;-Madaxweyne Laftagareen oo Khudbad ka jeediyey Caleema saarka Maamulka Degmada Diinsoor

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdigii Ballaarnaa ee Safarka Shaqo ku gaarey Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa waxaa ay Xalay ka qeybgaleen Xaflad lagu Caleemo saarayey Gudoomiyaha Degmada Diinsoor oo dhawaan ay Doorteen Golaha Deegaanka Degmadaasi,

Khudbad dhinacyo badan taabaneysey ayuu Madaxweyne Laftagareen ka jeediyey Xaflada Caleemo saarka Maamulka Golaha Deegaanka ee Degmada Diinsoor,

Madaxweyne Cbdiasiis Xassan Maxamed Laftagareen ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladaha hoose iyo dib u heshiisiinta koonfur Galbeed sida geesinimada leh ee ay ugu dhabar adeegeen dhismaha Golaha Deegaanka Degmada Diinsoor,

Waxaa sidoo kale Xafladdaasi lagu Caleemo saarayaey Maamulka Cusub ee Degmada Diinsoor Khudbado kala Duwan ka Jeediyey Masuuliyiin kala duwan oo ay kamid ahaayeen Maamulka Cusub ee Degmadaasi Wasiirka Arimaha Gudaha Dowladaha Hoose iyo Dib uheshiisiinta Dowladaha Hoose Ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Mohamed Abukar Cabdi iyo Xoghaya Guud ee Wasaaradaasi Mudane Musdhaf Cabdullaahi Adaf iyo Marti sharaf kale,

Kooxda Fannaaniinta Jinnaawkey ayaa waxaa ay Halkaasi ku soo Bandhigeen Heeso iyo suugaan kala duwan kuwaas oo ka turjumayey waxqabadka Maamulka uu Hogaaminayo Madaxweyne Laftagareen ee Koonfur Galbeed,

U jeedada Madaxweynaha Koonfur Galbeed uu u tegay degmada Diinsoor ayaa aheyd ka qeyb galka Xafladda Caleema saarka Maamulka Cusub ee degmada Diinsoor oo ay dhawaan doorteen Golaha Deegaanka Degmadaasi Diinsoor Oo ay dhawaan dhistey Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Koonfur Galbeed Soomaaliya,

Sidoo kale Madaxweynaha koonfur Galbeed ayaa inta uu ku sugan yahay degmada diinsoor waxaa uu halkaasi ka dhagax-dhigi doono mashaariic horumarineed oo laga fulinayo degmadaas.
HALKAN HOOSE KA DAAWO KHUDBADDA MADAXWEYNE LAFTAGAREEN