Khilaafkii in mudo ah ka taagnaa Magaalada Baydhaba ee Caasimada Koonfur Galbeed ayaa caawa si rasmi ah looga heshiiyay.
Shariif Xasan oo ah Madaxweynaha Maamulka Seddaxda Gobol ayaa u muuqda inuu ku guuleystay inuu la Heshiiyo Gudoomiyaha Gollaha Guurtida Koonfur Galbeed Malaaq Xasan Shurre oo ahaa qof aad uga soo horjeeday in Deegaanka Digil I Mirifle lagu soo koobo Seddax Gobol.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Madoobe Nuunow Maxamed ayaa la sheegayaa inuusan raali ka aheyn heshiiska caawa dhexmaray Gudoomiyaha Gollaha Guurtida Iyo Madaxweynaha Maamulka Seddaxda Gobol.
Hoos Ka Daawo Sawirradii Heshiiska:















