Xasan Cali Kheyre Ra,iisul Wasaarihii dalka ayaa aqbalay xilka qaadis ay maanta Xukuumaddiisa ku sameeyeen Baarlamaanka Soomaaliya.
Kheyre oo goordhow warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa Caddeeyay in uu baneeyay xilka uns mahadcelinaayo Xukuumaddii uu la shaqeeyay Muddo Saddex sano iyo dhowr bilood ah.
Aniga oo og:
In waxii maanta golaha shacabka ka dhacay ay ahaayeen sharci darro, loona marin habraacii saxda ahaa ee xil ka qaadis xukuumadeed.
In xitaa aanay ajandaha ku jirin
in aanay waafaqsanayn dastuurka iyo shuruucda dalka
Haddane waxaan go’aansaday inaan iska casilo xilka aan ummadda Soomaaliyeed u hayay, aniga oo dhowraya midnimada dalka iyo inaan dib loogu laaban burbur iyo dhibaato. Si aan ugu turo shacabka Somaaliyeed, qaybna uga noqon Khalkhal iyo dib u dhac siyaasadeed, mid dhaqaale, amni iyo bulsho.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ee barlamaanka federaalka Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in baarlamaanka uu maanta kalsoonidii kala noqday xukumaadda ra’uusul wasaare Xasan Cali Khayre.
Gudoomiyaha golaha shacabka ayaa sheegay in cod la qaaday ka dib 170 xildhibaan ay kalsoonadii kala laabteen xukuumadda Xasan cali Khayre halka ay diideen 8 xildhibaan.














