Dad badan oo Cudurka COVID-19 laga helay degaannada Hir-Shabeelle

Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in 48-kii saac ee lasoo dhaafay la diiwaan geliyay 30 xaalado cusub oo COVID-19 ah, kuwaas oo laga diiwaangeliyay Muqdisho & Gobolada dalka.

Dadka Cudurka laga helay ayaa waxaa ay kala joogaan, 3 qof Banaadir 20 Ruux Hirshabeelle iyo Puntland oo laga diiwaangeliyay 7 Ruux.

Sidoo kale War kasoo baxay Wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in dadka cudurka laga helay ay kala yihiin 17 Rag ah iyo 13 Dumar ah, halka cudurka ay u geeriyoodeen 2 Ruux, iyada oo ay ka bogsadeen 14 qofood.

Guud ahaan Cudurka safmareenka ah ee COVID-19 ayaa waxaa Soomaaliya laga diiwaangeliyay 14,729, xaaladood 773 dhimasho ah, halka ay ka bogsadeen 6,905, kuwaas oo ku sugan Magaalada Muqdisho & Gobolada dalka.