Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay, halka dhowr kalena ay dhaawacmeen, kaddib markii dhulgariir xooggan uu Jimcihii ku dhuftay koofurta iyo bartamaha dalka Mexico, taas oo cabsi iyo qalqal xooggan ku abuurtay dadweynaha ku nool gobollada ay saameysay.
Warbaahinta Mareykanka ee CBS ayaa sheegtay in ilaa fiidnimadii Jimcaha, waqtiga maxalliga ah ee Mexico, la xaqiijiyey geerida laba qof, halka tiro kale oo dad ah ay ku dhaawacmeen dhulgariirkaasi, iyadoo ay socdaan baaritaanno iyo gurmadyo degdeg ah oo ay wadaan hay’adaha samatabixinta.
Dhulgariirka, oo cabirkiisu gaarayey 6.5 darajo, ayaa xuduntiisu ku dhaweyd magaalada dalxiiska caanka ah ee Acapulco, gaar ahaan nawaaxiga San Marcos ee gobolka Guerrero ee koonfur-galbeed dalka Mexico. Ruxanka dhulka ayaa si weyn looga dareemay gobollo badan, waxaana laga soo sheegay dhismooyin ruxmay, koronto go’day iyo dad badan oo guryahooda ka cararay iyaga oo cabsi qaba.
Guddoomiyaha gobolka Guerrero, Evelyn Salgado, ayaa xaqiijisay in haweeney 50 jir ah la rumeysan yahay inay ku geeriyootay dhulgariirka, halka duqa magaalada Mexico City, Clara Brugada, ay iyaduna xaqiijisay geerida nin 60 jir ah oo ku dhintay magaalada caasimadda ah. Duqa magaalada ayaa sidoo kale sheegtay in ugu yaraan 12 qof oo kale ay dhaawacmeen, kuwaas oo qaar kamid ah loola cararay xarumaha caafimaadka si loo daweeyo.
Mas’uuliyiinta Mexico ayaa sheegay in ay weli socdaan kormeerro lagu hubinayo khasaaraha dhabta ah, iyagoo ka digay in tirada khasaaraha ay kordhi karto maadaama ay jiraan deegaano fog-fog oo ay adagtahay in si degdeg ah loo gaaro. Dowladda iyo hay’adaha gurmadka degdegga ah ayaa ugu baaqay shacabka in ay feejignaadaan, kana fogaadaan dhismayaasha daciifka ah, iyada oo la xusay suurtagalnimada dhulgariirro daba socda.














