Dad ku dhintay qarax ka dhacay Shabeellaha Hoose

Qaraxa oo ahaa bambada gacanta laga tuuro ayaa waxaa lagu weeraray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ku sugan bar-koontorool oo laga ilaaliyo degaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in weerarka bambaano ay ku dhinteen Saddex Ruux oo kala ah laba kamid ah askarta Ciidanka NISA ee degaanka Janaale iyo Cunug 12 jir ah, kaas oo ku sugnaa Barta Koontorool ee la weeraray.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada weerarka bambaano lagu qaaday ay sameeyeen howlgal, hayeeshee intii ay kujireen ay toogteen Nin looga shakiyay in uu miino Aasayay.

Wararka la helay ayaa sheegaya in Ninka la toogtay oo caan ka ahaa degaanka Janaale dhowr mar la xiray, isaga oo looga shakiyay in uu la Shaqeeynayay Al-Shabaab, isla markaana markii la dilayay uu istaag ka diiday Ciidamada.

Degaanka Janaale ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca weeraro bambaano iyo dagaalo toos ah, waxaana maalmihii la soo dhaafay ka socday howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.