Haweeney ayaa lagu soo warramayaa in la toogtay, kaddibna dhaawac soo gaaray ay u geeriyootay. Taageerayaasha rabshadaha wata ee madaxweyne Donald Trump ayaa jabiyay xarunta loo yaqaan ‘Capitol’ ee magaalada Washington, iyadoo xildhibaanada ay kulmeen si ay u xaqiijiyaan in madaxweynaha la doortay Joe Biden uu ku guuleystay doorashada.
Muuqaallada qaar ayaa muujinayay banaanbaxayaasha oo isugu soo xoomay dhismaha iyadoo xubnaha Congress-ka ay la cararayaan booliska.
Mr Biden wuxuu sheegay in ficilku uu ahaa “inuu hada dhamaado”, Mr Trump wuxuu sii daayay fariin muuqaal ah oo uu taageerayaashiisa kaga codsanayo inay guryahooda aadaan
Kalfadhigii wadajirka ahaa ee Congress-ka ee lagu cadeenayay guushii Mr Biden ayaa la hakiyay laguna qasbay in lagu kala tago.














