Dad ku go’doonsan Xaafado ka tirsan Baladweyne

Xaafadaha qaar ee Magaalada Baladweyne ayaa waxaa xilligaan ku go’doonsan dad farabadan oo uu saameeyey fatahaada Wabiga Shabeelle,kuwaas oo xaafadahooda kasoo bixi waayey.

Inta badan Xaafadaha Magaalada Baladweyne ayaa waxa buux dhaafiyey Byaha kasoo baxay Wabiga ee fatahaada ah,waxaana taasi ay sababtay in dadka qaarkood ay Magaalada ka bixi waayaan.

Wariyeyaal ku sugan Magaalada Baladweyne ayaa waxaa ay sheegen in dad badan ay la soo xiriireen kuwaas oo ku go’doonsan Xaafadaha qaar ee Baladweyne,kuwaas oo u baahan in la badbaadiyo,hayeeshee aysan jirin cid u gurmatay.

Hal doon oo kaliya ayaa la sheegay inay gurmad kala duwan ka wado Baladweyne,taas oo inta badan ay xiligaan raadineyso dadkii ay doonta la rogmatay halka doomankii kale ay ciladoobeen.

Gebi ahaan waxaa xiran Isbitaalka guud ee Magaalada Baladweyne,waxaana muuqaalo laga soo duubay ay muujinayeen Isbitaalka oo Biyo farabadan ay dhex-jiifaan,isla markaana dadka waxyeelada soo gaarto aysan heysan meel lagu daweeyo.

Xaalad aan wanaagsaneyn ayaa laga soo sheegayaa Magaalada Baladweyne,waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay tagaan Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabelele Maxamed Cabdi Waare iyo Guddiga gurmadka uu Magacaabey.