Dad soo dhaweyn lahaa Wasiir ka tirsan dowladda oo Garoonka Garoowe laga celiyay & xiisad ka dhalatay

Wararka laga helayo Magaalada Garoowe ayaa waxaa ay sheegayaan in Garoonka diyaaradaha Magaalada uu ka degay wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan, kaas oo ka ambabaxay Magalada Muqdisho.

Ciidamada ku sugan Garoonka Magaalada Garoowe ayaa ka celiyay inay galaan dad soo dhaweyn lahaa Wasiirka qorsheynta, waxaana taasi ay keentay in wasiirka uu halkaasi tago, iyada oo cidna aysan soo dhaweyn.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in ay Garoonka banaankiisa ka taagan tahay xiisad ka dhalatay Ciidamo u socda in Wasiirka u gelibiyaan Magalada Dhahar loo diiddey in u gudbaan dhanka magaalada Dhahar.

Wariyeyaal ku sugan Magaalada Garoowe ayaa waxaa ay ku warmayaan in laga cabsi qabo is rasaaseyn dhex-marta Ciidamada Ammaanka Puntland iyo kuwa taageersan wasiirka Qorsheynta, kuwaas oo isku hor-fadhiya banaanka Garoonka diyaaradaha.

Laamaha Ammaanka Magaalada Garoowe ayaan wlei ka hadlin xiisadaan, waxaana dhinaca kale Magaalada Dhar ka socda diyaar garoowga soo dhaweynta wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Soomaliya Jamaal Maxamed Xasan.